Diyaarado xalay duqeeyey koonfurta Mudug

Diyaarado xalay duqeeyey koonfurta Mudug

Wararka laga helayo deegaanka Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya inay xalay diyaarad dagaal ay duqayn ka fulisay deegaanka Miiroon oo u dhaxaysa Caad iyo Xarardheere.

Lama oga duqaymahan khasaaraha ka dhashay iyo bartilmaameedkooda, balse waxaa deegaankaasi gacanta ku haya Al-shabaab.

Wasaaradda warfaafinta ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa goor sii horaysay sheegtay duqayn shalay iyo habeen hore dhacay lagu dilay xubno muhiim ah oo katirsan Al-shabaab.

Ciidamada Mareykanka ayaa inta badan fuliya duqaymo deegaamada ay maamulaan Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com