Yurub waxaa ka dhacay afgambi aan la shaacin oo Midowga Yurub garwadeen ka yahay. Afgambiga silloon ayaa la jaanqaaday bilowgii dagaalka abaabulan ee u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka, siina xoogeysanaya maalinba maalinka ka danbeeya.
Tan iyo bilowgii dagaalka, shacabka reer Yurub, siiba Ingiriiska, Jarmalka, iyo Faransiisku, waxay aad uga horyimaadeen dagaalka Ukraine, waxaana saddexdaas dal ee ah tunweynta Yurub ka dhacay doorashooyin. Dhammaan madaxdii saddexdaas dal shacabku waa cayrsheen ayaga oo ku diidan dagaalka Ukraine. Laakiin doorashadoodii marna ma noqon mid shacabka u najaxda, oo mar kasta guushu waxay raacday ragga matala Bank of England.
Ingiriiska oo Keir Starmer RW loo doortay waxa uu isla meeshii ka sii waday isla siyaasaddii kii la cayrshay. Jarmalka kii lagu doortay in uu dagaalka joojinayo wuxuu hadda la soo shirtagay “Yurub dagaal ha u diyaargarowdo.” Kii Farsansiiska ee Macron oo doorashadii dhawayd looga guulaystay illaa iyo hadda waaba diidanyahay in uu kursiga ka dego. “Ka sii dar oo dibi dhal” bay Soomaalidu tiraahdaa e, Macron wuxuu shalay xabsiga dhigay gabadhii doorashadii ugu danbeysay kaga guulaystay ee garabka midig, Marine Le Pen, asaga oo danbi u dhoodhoobay, kuna eedeeyey in ay lacag khayaantay oo dhunsatay. Marine Le Pen hadda uma tartami karto doorashada soo socda ee 2027, waxaana lagu xukumay afar sano oo xarig ah.
Romania, Slovakia iyo Hungary oo shacabka saddexda dalba aad uga soo horjeedaan siyaasaddaan silloon, Midowga Yurub waxa uu u tabaabushaystay in uu saddexdaas waddan gacanta ku dhigo doorashooyinkooda. Romania oo doorashooyinkii uu ku guulaystay ninka la yiraahdo Georgescu oo aad uga soo horjeeda dagaalka Ukraine, Midowga Yurub waa kansalay guushiisii, danbina waa lagu soo oogay, lagana mamnuucay in uu doorasho danbe ka qaybgalo.
Slovakia oo RW uu ka yahay Robert Fico asna waa la toogtay, laakiin dhaawac baa soo gaaray uu ka noolaaday, haddana wuxuu dagaal adag oo siyaasadeed kula jiraa Midowga Yurub.
Waxaa kuu soo haray Hungry oo uu hoggaanka u hayo RW Victor Orban oo asna aad uga soo horjeeda dagaalka. Victor iyo Hungry markii loo maarawaayey hadda waxaa socda qorshe loogaba reebayo Midowga Yurub, ama loo diidayo in uu talada Midowga Yurub wax ku yeesho.
Dhanka waddamada Baltiga oo dad badan oo Ruush ah ay deganyihiin waxaa socda qorshe xuquuqda muwaadinka Ruushka lagala noqonayo, loona diidayo in ay wax doortaan. Estonia ayaa noqday dalkii ugu horreeyey in dadka Ruushka u diida in ay codkooda dhiibtaan.
Midowga Yurub oo xaalkiisa siyaasadeed kaas yahay, dhaqaalihiisuna qar daran ka laalaado, maanta ma badbaadin karaa Soomaaliya, gogol Soomaaliyeed se ma dhigi karaa, mise Soomaaliya waa bakhti suge aan talo mideysan miiska la imaan karin?
Sidaan qormooyinkeenii hore idin kula qaybsanay, adduunka waxaa ka socda boob hanti, dalalka la boobayana waxaa safka hore uga jira Soomaaliya. Siyaasiga iyo nindoorka Soomaaliyeed ma ku baraarugsanyihiin qorshaha Yurub iyo kan reer Galbeedka?
Daljir isha ku hay oo nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaaga.
> Daljir Media
COMMENTS