Guddiga doorashooyinka ee guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay soo saaraan waqtiga ay dhacayso doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu is-casilay guddoomiyihii hore.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka ayaa shalay loo doortay xildhibaan Nuur Iidow Beyle , guddiga ayaa ka kooban 15-xubnood.
Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa isku soo shaaraxay musharixiin ku dhow tobaneeyo, iyadoo musharixiin kalle la filayo inay isa soo sharaxaan.
COMMENTS