Doorashadda Puntland 2019 oo Guddi Loo saaray & Xukumadda oo beenisay inay faragalinayso (dhegayso)

Doorashadda Puntland 2019 oo Guddi Loo saaray  & Xukumadda oo beenisay inay faragalinayso (dhegayso)

Puntland ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Doorashooyinka Puntland kadhacaya sanaadka 2019 loo xilsaaray Guddiga doorashooyinka Puntland,halka qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland qabeen in Gaas Wakhti kordhin uu doonayo.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha ahna afhayeenka madaxtooyada Cabdulaahi Quraan Jecel oo idaacada BBC Lahadlay ayaa sheegay in doorashooyinka Puntland kadhici doona loo xil saaray Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Dhinaca kale Wuxuu sheegay inxukuumaddu aysan wax faragelin ah ku samayn doonin hannaaka doorashada ee dalka iyo xilliga ay dhici doonto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com