Doorka Nabad sugida iyo qorista dhalinyarada gobolada dalka ciidan Qaran (Maqaal)

Doorka Nabad sugida iyo qorista dhalinyarada  gobolada dalka ciidan Qaran (Maqaal)

Waxaa dalkeena soomaaliya si aan la qiyaasi karin u dhex galay,shirkado iyo dawlado ka faa iidaysanaaya burburkii dawladnimo ee ka dhacay dalkeena. waxaadna wada ogsoon tihiin iska daa dal burburay oo dawlad la aan ahee in dalalka dhisan ee dawladaha ah ay intaa la dagaalamayaan,shirkado maafiya ah iyo dawlado weerar ku ah khayraadka badooda,weerar ku ah in ay dalkooda soo galiyaan daroogada halista ah iyo nooc kastoo maan dooriya ah,weerar ku ah in ay ku faa fiyaan diimo iyo dhaqamo xun xun,weerarku ah nabad galyada iyo xasiloonida iyo siyaasada dalkooda. dawladaha dhisan caalamka oo dhan waxaa arintaan uuga baxa shaqo aad u culus iyo dhaqaale aad u farabadan.

Kolhadii dawladihii dhisnaa sidaa horarka isaga difaacayaan,maxaad u malayn dal dayacan oo aan lahayn dawlad xuduudihiisa sugta? dalkeena waxaa laga dhex samaystay shabakado maafiya ah oo qaar diin ku gabadaan,qaarna siyaasad ku gabadaan qaarna ganaacsato ku gabadan. waxayna hortaagan yihiin shisheeyana ku lacagsiiyaa sidii dalkaani uu san u yeelan lahayn marnaba dawlad hana qaada.

Dadaka lagu shaqaysanaayo waa dad soomaali ah,waxayna doorbideen inay diintooda iyo dalkooda dhaafsadaan lacag DOOLAR! waxay dadka soomaaliyeed ee dhibaataysan ku kiciyaan qaab qabiil taasoo hada soomaalidu soo taabatay oo ka ilbaxeen danayste qabiil adeegsanaaya oo ah dhab ahaan dawlad diid. dalkastaa kolkii sidan noqdo waxa uu u baahan yahay rag leh iimaan iyo wadaniyad iyo hogaamin leh go aan adag taasoo rabbi siiyay soomaaliya maanta.

Dawlada Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay dardar galiso oo sii laban laabto labadan arimood oo kala ah sidan hoos ku xusan.

1.DOORKA CIIDANKA NABAD SUGIDA SOOMAALIYEED

2.QORISTA DHALINYARADA GOBOLADA DALKA CIIDAN QARAN

DOORKA CIIDANKA NABADSUGIDA SOOMAALIYEED

Kolhadaynu cadaynay in ay jiraan dad soomaaliyeed,oo hormuud u ah bulshada rayidka ah,balse u adeegaaya shisheeye,kol hadaynu cadaynay in ay jiraan saaxafad ka madaxbanaan dawlada iyo dalka soomaaliya oo aan hoos imaan wasaarada warfaafinta qaranka soomaaliyeed,kana diiwan gashanayn,lana aqoon cid ay u adeegayaan oo iyaga shaqaday hayaan ku mushaharsiisa ileen nina bilaash kuma shaqeeyee,kol hadaynu cadaynay in baarlamaanka la dhex jiifo,kol hadaynu cadaynay in ciidanka lagu dhex jiro,kol hadaynu cadaynay in maamulada gobolada dalka madaxdooda sare lagu dhex jiro,kol hadaynu cadaynay in ay jiraan dad isku sheega siyaasiyiin oo nooc walbaba leh kuwo madax soo noqday iyo kuwo kalaba oo ku mashquulsan arimo qaran jab ku ah umada soomaaliyeed iyo ka hor imaansho in dawlada hada jirtaa talaabo qaado si umada soomaaliyeed u hesho dawladnimo iyo xasilooni buuxda.

Intaas oo cadaw ah oo diidan dawlad soomaaliyeed oo dalka hanata oo shaqaysa,waxaa inagu dhex beeray shirkado maafiya ah iyo dawlado cadaw soomaaliyeed ah. Kol haday sidaa xaalku maraayo waxaa la rabaa doorkii shaqo ee ciidanka nabad sugida soomaaliyeed.

Nabad sugida ayaa u xilsaaran ugaarsiga iyo dabar goynta cadawga gudaha ee lashaqaysanaaya shisheeyaha dibada iyo maafiyada caalamiga ah.waa in la waayaa ninka hortaagan in soomaaliya hesho dawladnimo buuxda.dalkastaa wuxuu dawlad noqdaa markuu cadawga gudaha laayo oo ka takha luso kadib ayuu iska celinkaraa shisheeye. waloow aan aad uugu faraxsanahay shaqada daba galka ah ee ay hada bilaabeen ee ah horta calaamadee! waa arin fiican balse sii laban laaba mana aha in duu dib dhaco ugaarsiga dadban. dhaq dhaqaaqa dhaqaalaha iyo siyaasiga waa in uu cadyahay xogta aad ku raad joogtaan,qaybaha dhagaysiga taleefanada iyo daba galka dadka siyaasadaha ku hawlan, waxaan ku koobay amaanka qaranka soomaaliyeed idinkaa laydinkarabaa in aad xidida u siibtaan dadka laynagu dhexbeertay.

2.QORISTA DHALINYARADA GOBOLADA DALKA CIIDAN QARAN

Aduunyada dhalinyaro ayaa ah ciidanka dal difaaca,waayo waa xoog ah muruq iyo maskaxba.waxaana gobolada dalka aad u buux dhaafiyay dhalinyaro soomaaliyeed oo waliba aan haysan wax camal ah,waxaa hadaba haboon in si dhaqso leh loo qoro ciidamo qaran waana in qofkastoo soomaaliyeed siday waligeedba ahaan jirtay iska xaadiraayaa hadba xeradii ciidan laga qoraayo isagoo xor ah oo ka madaxbanaan qabiil iyo cidwalboo ku shaqaynaysa waxaan ahayn dawladnimo soomaaliyeed.

Shacabka soomaaliyeed way kasoo daaleen,qabyaalad iyo dawlado yar yaroo qabiil ku dhisan oo uu haysto madaxweyne yaroo aan doonayn in uu lumiyo kursigiisan dawlad goboleedka ah,isagoo doorbidaya in aan lahelin dawlad soomaaliyeed,sidaa Muuse biixi,Dani,Axmed madoobe qoladani madoonayaan soomaaliya oo dawlad dhexe oo xoogleh oo dalkoo dhan hanata in ay dhalato,sidan ayay iyagu ku yihiin dawlad!! markaa shacabkaa dhib qaba iyaga hoos jooga.

Shacabka soomaaliyeed maanta waa baraarugay, oo waxa uu layaaban yahay,Muuse biixi ma arki karo mana rabo Dani ,Dani marabo muuse biixi,muuse marabo xaaf,xaafna marabo muuse iyo dani,waare marabo dani iyo muuse iyo xaaf,axmad madoobe marabo waare iyo lafta gareen,si kale hadaan u dhigno Somaliland dawlad bay sheegatay,Puntland dawlad bay sheegatay,jubaland dawlad bay sheegatay,hirshabeele dawlad buu sheegtay,galmudug dawlad bay sheegatay,koonfur galbeed wawlad bay sheegatay,koligood waa soomaali mid mid rabana majiro!! shacabka soomaaliyeed sidan madanbay u tahay?

Tanuu fahmay meeshana waxaa laga rabaa hal madaxweyne,hal caasimad iyo hal dawlad oo soomaaliyeed dhabtu waa sidaa. shacabka soomaaliyeed dawladnimo ayuu rabaa qabiil iyo dawlada yaryaroo kala qoqoban dalkaani uuma baahna. hadaba waa in lahelaa dhalinyarada soomaaliyeed oo ciidan ah dalkana difaacaysa oo ah qaran. dawladnimaa wax lagu yahay iyo soomaalinimo wixii kale waa wixii soomaali baday dawlad la aanta. si dalkeenu u helo hanaan buuxa oo dawladnimo dhalinyaradu waa in ay qortaan ciidanka dalkana difaacaan.

Yuusuf Omar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com