Dowlada oo sheegtay in heshiis laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka

Dowlada oo sheegtay in heshiis laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka kadib kulan maalmo qaatay oo weli ka socda magaalada Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa khudbad uu galabta u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha la isku hayay ee doorashada.

Wasiirka ayaa sheegay in mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa, iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka ee Afisyooni.

Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com