Dowlada Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay xiisada Itoobiya iyo bixitaanka ciidamadooda.

Dowlada Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay xiisada Itoobiya iyo bixitaanka ciidamadooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya inay ka baxday doorkii loo igmaday ee nabad ilaalinta Soomaaliya, taasoo salka ku haysa dhaqdhaqaaqyada Itoobiyaanka ee aan la jaanqaadeyn howlaha nabad ilaalinta ee AATMIS. Eedayntan ayaa soo ifbaxday kadib markii dowladda Soomaaliya ay walaac ka muujisay in Itoobiya aysan u hoggaansamin heshiisyadii iyo waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Soomaaliya waxay ku eedeysay Itoobiya inay si gaar ah u fulineyso ajendayaal kale oo aan la xiriirin nabad ilaalinta, taas oo ay ku jirto inay hubeyso kooxo beeleedyo gaar ah oo ka horjeeda dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan wareysi siiyey warbaahinta Al Jazeera, ayaa si cad u sheegay in Itoobiya ay si gaar ah u farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana ay taageerto maleeshiyaad kala duwan oo aan ku jirin nidaamka rasmiga ah ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Eedayntan waxay si gaar ah u tilmaameysaa in Itoobiya aysan dhaqan gelin heshiisyo dhowr ah oo ay ku lug lahaayeen labada dowladood, gaar ahaan kuwa la xiriira nabadeynta xuduudaha iyo iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada nabad ilaalinta. Dowladda Soomaaliya ayaa ka walaacsan in dhaq-dhaqaaqyada Itoobiya ay wiiqi karaan dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xaqiijiso amniga iyo xasiloonida gudaha, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Axmed Macalin Fiqi Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa eedeymahaasi ka soo jeediyay shir ay todobaadkii hore Qaramada Midoobay ku yeesheen Magaalada New York.Waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in dowladdiisa ay dhawaan gacanta ku dhigtay hub sharci darro ah oo lagu soo raray xuduudka Itoobiya oo la doonayay in loo adeegsado hurinta colaadaha gudaha.Wasiirka arrimaha dibadda ayaa u sheegay UNSC in Muqdisho ay ku howlan tahay la tashiyo ay la yeelaneyso AU iyo UN-ka oo salka ku haya qabanqaabada amniga ATMIS-ka kadib 2025-ka.

Khilaafkan ayaa sidoo kale waxaa hareeyay muranka ka taagan xadka labada dal, gaar ahaan deegaannada ku yaalla xuduudda, iyo heshiisyadii badda ee lala galay maamulka Somaliland, taasoo Soomaaliya u aragto mid dhaawacaysa madaxbannaanideeda. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku boorrisay beesha caalamka inay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo wadahadallada iyo wada shaqeynta si looga hortago xaaladda amni ee sii xumaaneysa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com