Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Baxrayn, Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa waxa uu ka hadlay Diyaaradii Imaaraadka ee Lacagta waday ee dhawaan lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna aad u naqdiyey waxa uu ugu yeeray Anshaxa DFS, waa sida uu hadalka u dhigay.
Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa o oay Dowladiisa Ibahaysi dhow la leh Dowladda Imaaraadka Carabta, waxa uu difaacay Siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahan Somalia, oo uu xusay inay kaalin ka qaadatay La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida.
“Dowladda Imaaraadka waxay qabatay dhowr Shirweyne oo lagu taageerayey dalka Somalia iyo Madaxweynaha haatan ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Baxrayn, oo intaasi ku daray inay Dowladda Imaaraadka u fidisay DFS dhamaan wixii tageero ah, sida Dhaqaale, Hub iyo Daawooyin.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka waxay War Saxafadeed ka soo saartay Diyaaradii Lacagta waday ee bishan April 8-dii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Bayaanka ayaa lagu sheegay inuu falkaasi xad=giudub ku yahay Diplomaasiyadda iyo Xeerarka Caalamiga ee Diyaaradaha Rayidka.
COMMENTS