Dowladda Britain oo Soomaaliya ugu yaboohday 100 milyan oo doolar

Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain Theresa May oo wali ku sugan dalka Kenya ayaa waxa ay sheegtay in malaayiin gini ay ku taageeri doonto xasilinta dalka Soomalaiya .

Mr May ayaa sheegtay in ka badan 60 Milyan oo gini oo lagu caawin doono dad gaaraya ilaa iyo 1Milyan oo qof oo  Soomaali ah “kuwaas  ay saameeyeen Abaarihii dalka soomartay iyo dagaaladii sokeeye.

Dowladda Britain waxa ay sheegtay in ay xooga saari doonto baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada sida Biyaha ” Cuntada  Caafimaadka iyo shaqo abuurka qoysaska saboolka ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain Theresa May waxa ay sheegtay in in kabadan 25 gini lagu taageeri doono hanaanka Siyaasadeed  ee dalka  ” doorashooyinka 2020ka ”  iyo horumarinta sharciyada la xiriira qaybsiga khayraadka dalka Soomaaliya .

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com