Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo mar kale ku celisay in ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho dowlad goboleedyada

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo mar kale ku celisay in ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho dowlad goboleedyada

Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa mar kalle ku celisay inay diyaar u tahay wada hadal ay la yeelato dowlad goboleedyada, walina uu fidsanyahay gogoshii uu fidiyay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, inkastoo dowlad goboleedyada ay horay shuruud uga dhigeen wada hadal inay qayb ka noqoto Beesha Caalamka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kalle lagu sheegay Dowladda Federaalka, iyadoo ixtiraameysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla waxay aaminsan tahay wadatashi, isla tashi iyo isku tashi, iyadoo wixii khilaaf ee dhaca lagu xalinayo si Soomaalinimo ah”.

Doorashooyinka Puntland iyo Koonfur Galbeed kusoo fool leh ayaa lagu soo jeediyay qoraalka inay ku dhacaan waqtiga loogu talagalay.

Hoos ka akhriso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com