Dowladda Federaalka oo ku Guda jirta Sidii Maxaabista Somaliyeed looga sii dayn lahaa Xabsiyada Caalamka (dhegayso)

Dowladda Federaalka oo ku Guda jirta Sidii Maxaabista Somaliyeed looga sii dayn lahaa Xabsiyada Caalamka (dhegayso)

Danjiraha qaranka Soomaaliyeed u qaabilsan Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka goan tahay dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Caalamka.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo bahwadaag la ah Radio Muqdisho Codka Jimhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowladdu xoogga saarayso hanaanka dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed si ay mar kale ola midoobaan waalidiintooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii dambe waday dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Caalamka iyo Maxabiistii ugu horeesay laga soo daayay Wadamada Itoobiya iyo Hindiya taasoo ka dhigan guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com