Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso ayaa maanta si rasmi ah u bilowday bannaynta waddooyinka magaalada Boosaaso, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha hortabinta leh.

Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso ayaa maanta si rasmi ah u bilowday bannaynta waddooyinka magaalada Boosaaso, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha hortabinta leh.

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Dr. Abdirahman Abdullahi Ali, oo hoggaaminaya hirgelinta qorshayaashan muhiimka ah ayaa kormeeray goobaha ay dumintu ka socoto ee xaafadda Biyo Kulule gaar ahaan Cariga, halkaas oo la burburinayo dhismayaal soo galay waddada oo carqaladeeyay marinada iyo isku socodka waddooyinka muhiimka ah.

Intii uu kormeerku socday, Guddoomiyuhu wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo qorshaha guud ee horumarinta magaalada, isaga oo xusay in bannaynta waddooyinka ay lagama maarmaan u yihiin isku socodka gaadiidka iyo dadka, horumarinta bilicda magaalada, iyo kobcinta adeegyada bulshada.

Dowladda Hoose ee Boosaaso ayaa shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyaan maamulka, si wadajir loogu xaqiijiyo magaalo casri ah oo leh waddooyin furan, adeegyo habaysan, iyo nidaam dhisme oo waara.

 

Hanad M Salah

[email protected]

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com