Dowladda Jabuuti oo beenisay in Madaxweynaha jabuuti uu Asmara ku laban doono

Dowladda Jabuuti oo beenisay in Madaxweynaha jabuuti uu  Asmara ku laban doono

Dowladda Jabuuti ayaa beenisay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu booqan doono Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Erateriya.

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in aysan dhici doonin in Madaxweyne Geelle uu taggo Erateriya inta laga xalinaayo dhibka jira.

Waxaa uu sheegay in xiisada ka dhaxeysa dowladdaha Jabuuti iyo Eratariya ay wali taagan tahay, islamarkaana aysan dhicin doonin Madaxweynaha uu taggo dal Cadow ku ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Kenya ay booqan doonaan Asmara.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com