Dowladda oo Ciidamo udirtay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug

Dowladda oo Ciidamo udirtay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug

Taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla deegaannada Galmudug ayaa waxaa ay Ciidamo farabadan u direen deegaannada lagu dagaalamay ee hoostaga degmada Towfiiq iyo Tuulada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay ka ambabaxeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,waxaana, iyaga oo kaashanaya Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta ay kala dhex-geli doonaan labada maleeshiyo beeleed ee dirirtu dhex-martay.

Dhinaca kale Wararka ayaa sheegayaan in magaalada Gaalkacyo ay gaari doonaan Saraakiil uu hoggaaminayo taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Janeraal Candi Xamiid Maxamed Dirir si ay uga qeyb qaataan joojinta iyo xalinta dagaalka Gobolka Mudug.

In kastoo xilligaan ay degan tahay xaalada deegaannadii lagu dagaalamay ee bariga hobolka Mudug ayaa hadana dadka deegaanadaasi ku sugan waxa ay dareemayaan cabsi maadaama maleeshiyaadka ay weli ishor-fadhiyaan.

Dagaalkii shalay markale labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray duleedka degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com