Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa maanta laga dajiyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool .
Dhaawacyadan oo tiradooda ay gaarayso 22 qof ayaa waxaa laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo qaba dhaawacyo culus .
Dadkan ayaa waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaali doonaa Isbitaalda Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Mas,uuliyiintii la socotay diyaaradii siday dhaawacyada waxaa kamid ahaa Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka Bada Soomaaliya mudane C/laahi Bidhaan Warsame .
Dhegayso.
COMMENTS