Dowladda oo guddi u saartay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho

Dowladda  oo guddi u saartay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellado kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeellado kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com