Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadda Sunguuni ee Gobolka Jubadda dhexe waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Degmadda Sunguuni ayaa ah, mid strateji u ah Al Shabaab waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba.
Sidoo kale howgalka laga sameeyey Degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa yareey ayaa lagu gubay Gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro maleshiyaad ah oo ka tirsan Al Shabaab.
Howgalladan oo ahaa mid is dhaba joog ah ayaa laga sameeyay degmadda Saakow oo saldhig weyn u ah cadowga ummadda Soomaliyeed waxaana lagu dilay horjooge muhim ah oo dib loo faahfaahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.
COMMENTS