Dowladda Puntland oo Maanta xabsiga ka siidaysay 40 Maxbuus

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (Daljir) —Waaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta iyo dhaqan celinta  dowladda Puntland ayaa saakay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe ka siideysay 39 maxaabiis ah oo dambiyo kala duwan u xirnaa.

Maxaabiistaan la siidaayay ayaa kamid ahaa 120 maxaabiis oo uu cafis u fidiyay madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas si ay qoysaskooda ugala qeyb qaataan farxada munaasabada ciidul fidri.

Wasiirka cadaalada Puntland Salaax Xabiib Yuusuf ayaa saakay booqday xabsiga dhexe Garowe isagoo halkaas kula kulmay maxaabiista, kulana dardaarmay inay wanaaga bulshada qeyb ka qaataan maxaabiistaan la siidaayey ayeysan ku jirin kuwa danbiyada waaweyn galay.

Dhinaca kale xabsiyada kuyaala Gaalkacyo, Qardho iyo Bosas ayaa maana sidoo kale laga siindaydoonaa maxaabiista cafiska uu fidiyey Madaxweynaha Puntland.

By: Jaamac Abdurahaman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com