Isniin, Juun 22, 2015 (Daljir)_Laba wiil oo walaalo ah oo katirsanaa Al-shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari , iyagoo ka faa\’iidaysanaya cafiska madaxwaynaha Puntland uu u ufidiyay dhalinyarada kasoo goosta Al-shabaab.
Raga lasoo bandhigay ayaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Axmed Xasan Filfil iyo Yaasiin Axmed Xasan Filfil , gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa madasha kuso dhoweeyey dhalinyaradan horay uga mid ahaa Al-shabaab ee soo goostay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dowladda Puntland isku soo dhiibaan rag ka soo goostay al-shabaab-ta ka dagaalanta buuraha Gal-gala.
By: Maxamuud Cabdi
COMMENTS