Dowladda Somaaliya oo markale ku baaqday joojinta dagaalka galbeedka kismaayo

Dowladda Somaaliya oo markale ku baaqday joojinta dagaalka galbeedka kismaayo

Dowladda Soomaaliya ayaa markale dalbatay joojinta dagaal beeleedka Duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in dowlada dhexe iyo guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed ay dalbayaan in dagaalka la joojiyo.

Waxaa uu ugu baaqay dirirta sokeeye ee ka taagan duleeedka Kismaayo, in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya.

Wasiir Oomar ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka deegaannadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaal markale ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Maalmihii lasoo dhaafay waxaana ku guuldareystay joojinta dagaalkasi maamulka Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com