Dowladda Somaaliya oo sheegtay inay dishay saraakil ka tirsan Alshabaab

Dowladda Somaaliya oo sheegtay inay dishay saraakil ka tirsan Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanada Wala galeen, Galka Saalimow, Dahaad, Ceel maracade iyo garas gawaan oo ka tirsan gobolka shabeellaha hoose.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayay Idaacadda codka ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaas ku dileen 11 xubnood ka tirsan Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa sarkaalkii watay ciidankaas.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay burburiyeen goobo Al-Shabaab dadka ugu qaadayeen lacagaha.

Ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday howlgallo qorsheysan, waxaana howlgaladaas qaadayay Ciidanka Kumaandooska ee uu tababaray Mareykanka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com