Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday kordhinta Goobaha lagu baaro COVID-19

Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday kordhinta Goobaha lagu baaro COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga ka hortagga afafitaanka Cudurka Coronavirus,kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirka oo ku qabsoomay hab muuqaal Mareegta Internet-ka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel celisay in la kordhinayo goobaha lagu baaro Cudurka Coronavirus oo hadda kaliya lagu baaro Isbitaalka Martiini oo dad badan ay u jiifaan Cudurka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com