Dowladda Somalia oo markale diiday qorsho lagu bedelayo howgalka AMISOM

Dowladda Somalia oo markale diiday qorsho lagu bedelayo howgalka AMISOM

Qoraalka Xukuumadda Soomaaliya oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu cadeeyay in Soomaaliya ay tahay dal madax banaan, isla markaana ay muhiim tahay in la tixgeliyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2568 soona baxay 2021 kaas oo ogolaanayay in Ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonaan shaqadii socotay sadaxdii bilood ee la soo dhaafay si ay u dhammaystirto hannaanka Wadajirka ah ee hada qabyada ah.

Bilihii July iyo Agoosto ayaa waxaa dhowr shirk u yeeshay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho Guddi ka socday Midowga Afrika iyo Mas’uulyiin uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha xoogga, iyaga oo ka wada hadlay qorshaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ammaanka dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Soomaaliya meelo badan oo kamid ah waxa ku sugan Ciidamo ka socda qaar kamid ah dalalka Afrika, iyaga oo ku howlgalla Magaca AMISOM, isla markaana Ciidamada dowladda ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.

Akhriso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com