Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay i wadada isku xirta Ceel Daahir iyo Ceerigaabo ay ugu deeqayso lacag dhan cadadkeeda 1.5 Milyan oo doolar .
Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalaya munaasibad lagu qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ka sheegay in lacagtan lagu dhisayo wadadan la soo marsiin doono maamulka Puntland iyo gudiga gacanta ku haya dhismaha wadadan.
Wadada iskuxirta Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo oo heer gabo gabo ah maraysa ayaa hadii dhismaheeda lagu guulayso waxa ay isku xiri doontaa oo ay fudu dayn doontaa ganacsiga gobolada dalka , waxaana kor u soo kici doona dhaqaalaha gobolka Sanaag.
COMMENTS