Dowladda Soomaaliya oo gudi u saartay Abaaraha kajira qaybo kamid ah dalka

Dowladda Soomaaliya oo gudi u saartay Abaaraha kajira qaybo kamid ah dalka

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hada shir jara’id oo deg dega kaga hadlay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta ee dalka, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha binu aadantinimo ka taagan yihiin hada, gaar ahaan xaalada abaaraha ee Gado.

Guddigan wasiirada ah ayaa waxay kala yihiin, Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada , Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha, Wasiirku Xigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ah Guddoomiyaha Guddiga.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sanadkaan dalka ay saameeyeen biyo la’aan iyo sidoo kale abaaro meelo ka mid ah dalka.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay sameyn doonto gurmadkii ugu horreeyay si wax looga qabto xaaladda adag ee ay wajahayaan shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com