Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday Salaad roobdoon ah

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday Salaad roobdoon ah

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in la sameeyo salaad roob doon ah iyo sidoo kale in la soomo muddo afar maalin ah.

Wasiir Cumar Cali Rooble iyo Culimada u diinka Soomaaliyeed oo shacabka la hadlaayay ayaa ku baaqay in la is cafiyo iyagoo Illaah ka baryay inuu shacabka ka dulqaado abaarta.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli meelo badan oo kamid aj dalka ay xiloigaan kajiraan abaaro baahsan.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli gurmadkii loo baahnaa gaarsiin degmooyinka ay kajiraan abaaraha, halka hay’adaha gargaarka ay ka gaabiyeen u gurmashada dadkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com