Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay tallaal kale oo COVID-19 ah

Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay tallaal kale oo COVID-19 ah

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaasriinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddoomay 108,000 doses oo talaalka Covid-19 oo ay ku ku deeqday Dowladda Faransiiska.

Munaasabadda imaanshaha qeybtii 2-aad ee talaalka Covid 19 oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Axmed Xuseen Macalin Gurey, Madaxa UNICEF Muqdisho Maxamed Ayoya, iyo Maddaxa WHO Maxamed Nur Malik.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin Gurey aya uga maahd celiyay dowladda Faransiiska tallaalka COVID-19 oo ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ay kamid tahay dalalka uu kusoo laba kacleeyay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, waxaana saacadihii las oo dhaafay la diiwaan geliyay dad farabadan halka kuwo kale ay u dhinteen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com