Dowladda Turkiga oo beenisay inay raashiin dhacay ka qaybisay Muqdisho

Mogadishu,Feb 8 -Dowladda Turkiga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war dhowaan kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo sheegaysa dowladda Turkiga inay raashiin dhacay ka qaybisay magaalada Muqdisho.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Jamaluddin Turan oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ku tilmaamay eedaynta kooxda Al-Shabaab ay u soo jeedisay dowladda Turkiga inay tahay mid sal iyo raad toona lahayn.

Waxaa uu sheegay gargaarka ay dowladda Turkiga ay soo gaarsiinayso wadanka Soomaaliya inuu yahay kuwo aan waqtigooda dhamaan,islamar ahaanataana shaybaar caafimaad lasoo marsiiyay,tayadiisuna ay tahay mid saraysa.

Sarkaal katirsan ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Cabduqaadir Muumin ayaa dhawaan ka sheegay warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab gargaarka ay ururarada samafalka ee Turkiga ay ka qaybinyaan dalka Soomaaliya inay yihiin kuwo dhacay oo aan u wanaagsanyn caafimaadka,isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ugu baaqay shacabka inay isticmaaliin raashiinka iyo dawooyinka Turkiga uu keeno dalka Soomaliya.

Dowladda Turkiga ayaa lagu xusuustaa kaalintii ay ka qaadatay ka jawaabista abaartii ku dhufutay dalka Soomaaliya,waxaana horay magaalada Muqdisho u gaaray raysal wasaaraha wadankaasi oo booqashadiisa Muqdisho ay noqotay mid caalamka kusoo jeedisay arimaha Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com