Gaalkacyo, 08 May 2025; Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee mashruuca dhigista interlock-ga hareeraha laamiga halbowlaha Magaalada Gaalkacyo, kaas oo cabirkiisu yahay 18,000m².
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, Guddiga Ganacsatada Suuqa, injineerro, dhaqaatiir, masuuliyiin ka tirsan shirkadaha fulinaya mashruuca, iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah.
Mashruucan oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay Dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo wado, ayaa haatan wajigiisii koowaad uu marayaan meel gabogabo ah, iyadoo shaqada dhismaha wali si habsami leh u socoto.
Duqa Degmada ayaa uga mahadceliyey Ganacsatada Suuqa sida ay u garab taagan yihiin hirgelinta mashaariicda horumarineed, isaga oo xusay in wada shaqeynta shacabka iyo dowladdu ay tahay furaha horumarka magaalada.
—-
COMMENTS