Galkacyo, Nov 14 ? Duqa magaalada Galkacyo Siciid Cabdi Faarax ayaa maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo noqon doona suuq-khudaareed oo ay yeelato magaalada Galkacyo kaasoo laga hirgalinayo xerada Dayax.
Suuqaan oo ah mid baaxad ahaan weyn ayaa waxaa hirgalinaysa hay?adda Horn-Relief kaasoo sida la tilmaamay u qaabaysnaan doono hababka suuqya qudaareed ee qaar ahaan adduunka, waxaana uu wax badan ka tari doonaa kor-u-qaadidda bilacda iyo dhawrista saxda magaalada, marka laga hadlayo haraaga iyo has-qudaareed ka dhasha meelaha aysan ku ganacsigoodu haboonayn ee xilligaan wax lagu iibiyo.
Duqa magaalada Galkacyo Siciid Cabdi Faarax uu dhagax-dhiggaasi kaddib hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa tilmaamay hirgalinta suuqaani in ay horudhac u tahay mashaariic badan oo loo qoondeeyey in magaalada Galkacyo laga taabbo-galiyo kuwaasi oo maamulka degmadu ay ku guulaysteen labadii bilood ee ugu dambeyeey.
Md. Siciid Cabdi Faraax, waxaa uu sheegay wajiga labaad ee ku-xiga mashruucaan in uu noqon doono kuwa lagu hagaajinayo waddooyinka magaalada Galkacyo, gaar ahaanna waddada laamiga ah iyo kuwa kale ee halbawlaha u ah isku-socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Galkacyo, waxaa a uu intaasi ku daray in ay jiraan mashaariic kale oo iyana kor-loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqo ee shaqaalaha.
Sarkaal isna u hadlay hay?adda Horn-Relief ayaa sheegay in ay ka go?antay meelmarinta mashaariicda la soo hadal qaaday, ayna hay?addaha kale ku dhiirro-galinayaan in ay qayb ka noqdaan hawlaha hormarineed ee degmada.
Ma ahan markii ugu horraysay oo hay?adaha gobolka ka shaqeeya ay ku dhaqaaqaan hormarin dano-bulsho, waxaana bilo ka hor la daaf-furay dhawr suuq oo ay ku jireen hilibka iyo caanaha.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.
FAALLOOYIN & FALCELIN