Saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn ay Milateriga Mareykanka ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarka cirka ah ee Isniintii maanta ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa lala beegsaday gaari marayay bannaanka degmada Saakow ee Jubadda Dhexe, waxaana lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, halka mid kalena lagu dhaawacay, sidaa waxaa u sheegay Wakaalada wararka AP Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo diiday in la aqoonsado, sababo ku aadan in aan loo ogeyn in warbaahinta la hadlaan
Duqeyntan ayaa la sheegay inay kaalin ku lahaayeen Sirdoonka Soomaaliya oo helay xogta Sarkaalka duqeynta lagu dilay.
Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeynta ka dhacday Saakow, inkasyoo aysan faah faahin ka bixin.
“Waxaan sii wadi doonaan inaan si dhow ugala shaqeyno Saaxibadeena Soomaaliya, si aan tallaabo uga qaadno sidii aan uga hortagi laheyn Argagixisada doonaya inay waxyeelo u geystaan dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Brig. Jeneraal Miguel A. Castellanos, oo ah kuxigeenka agaasimaha howlgalada Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika oo intaa ku daray in aanay jirin qof rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntaas.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntii u dambeysay ee ka dhacay agagaarka degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe.
COMMENTS
ALSHABAB WAA MARAYKAN.
MARAYKANA WAA ALSHABAB.
ISIS MADE IN ISRAEL.
ARGAGAXISO OO DHAN WAXAY HOOS TAGTAA WASHINGTON DC & TEL AVIV.
I SAID:TERRORIST ISNOT MUSLIMS.
IWEYDII ANIGA,