Duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe oo  lagu dilay  xubno ka tirsan  Al-Shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 16/12/2019 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering.

Ugu dambeyn Warka Africom ayaa waxaa lagu sheegay in bilihii u dambeeyey Mareykanka uu horumar ka gaarey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaan ay awoodi waayeen inay weeraro fuliyaan.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com