Duqeyntii Mareykanka ee Iran ee saaka iyo wararkii ugu danbeeyey

Duqeyntii Mareykanka ee Iran ee saaka iyo wararkii ugu danbeeyey

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya weerarkii saaka hiirtii hore Mareykanku weeraray saddex xarumood oo nukliyeerka Iran. Warka kaliya oo la hubaa waa kan Trump oo ah in Maraykanku weerarka qaaday, uuna saddexda xarumoodba dhulka dhigay. Talafishinka Iran asna wuxuu sheegay in saddexda xarumood Maraykanku uu weeraray, laakiin aysan jirin khasaare weyn oo xarumaha soo gaaray aan ka ahayn albaabada laga galo iyo kuwa laga baxo ee saddexda buurood.

Wax war ah oo kale oo sugan oo ka soo baxay dhanka Iran weli lama hayo illaa iyo hadda.

Laakiin waxaan weli aamusin Trump and Netanyahu. Trump oo mar kale hadlay wuxuu yiri, “Haddii Iran ay isku deydo in ay ka aarsato Mareykanka waxaan la beegsan doonnaa xoog ka weyn kan caawa markhaatiga laga ahaa.” Trump waxaa kale oo uu mar kale yiri, haddii Iran ay weerarto Israa’iil, ha ogaadeen in aan weerari doono, marka nabad ha doorteen.

Trump ayaa Alle u mahadceliyey, deedna yiri, “Alle ha barakeeyo Israa’iil, oo Alle ha barakeeyo Ameerika.” Shacabka Mareykanka ayaa caawa hadalhaya hadalka hore ee Trump oo sida uu u dhigay aan hore looga maqal madaxweynayaasha Mareykanka.

Netanyahu asna waa hadlay wuxuuna sheegay in “wax walba uu la qorsheeyey Trump, haddana uu sii socon doono dagaalka aan ku wadno Iran.”

Falaanqeyno kaladuwan baa saaka soo baxaya, laakiin illaa ay Iran hadasho, lana ogaado khasaaraha dhabta ah iyo jawaabta Iran, way adagtahay in falaanqeyn rasmi ah la bixiyo. Laakiin, haddii la tixraaco taariikhda dagaalada Mareykanku la beegsado dawladaha uu rabo in uu dumiyo, waxaa cad in weerarka Israa’iil iyo kan saaka ee Mareykanku ay bilow u yihiin duqeyn joogto ah oo lala beegsan doono Iran, sida Lebanon iyo Xisbullah, waa haddii Iran aysan si kulul oo laga shallaayo u jawaabin.

Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com