Emailadii Epstein oo la shaaciyey: Trump, Danjire Barack iyo Madaxda Carabta oo xiriir qoto dheer la lahaa dambiile/kufsade/carruur-afduubte Epstein
Waxaa maanta illaa shalay warbaahinta adduunka harqiyey ceebo aad loo qarin jiray oo Epstein oo la sheegay in uu u shaqayn jiray sirdoonka Israal uu muuqaalo aad u foolxun ka duubay Trump, Thomas Barack, Danjiraha Mareykanka ee Turkiga badina ku goodiya in Lebanon isku dhiibto Israal ama dagaal lala beegsan doono, iyo madax kale ee caalamka laakiin ay ugu caansanyihiin Carabta Khaliijka, uuna ugu horreeyo boqor sugaha Sucuudiga Bin Salmaan iyo Madaxa DP World ee Imaaraadka Carabta, Sultan Axmed bin Suleyman.
Eedaha oo Epstein uu email ahaan u qoray, una diray madax kale oo ay isku dhowyihiin ayuu raggaas mid walba ceebtiisa bannaanka soo dhigay. Waxa la shaaciyey illaa hadda waa qayb yar oo kamid emailada, Baarlamaanka Mareykanka oo hadda doodu socotana ayaa la filayaa in ay ansixiyaan sharci dhigaya in la faafiyo dhammaan emailada iyo faylasha Epstein.
Trump ayaa aad u diidan in la shaaciyo faylasha Epstein, waxaana Washington ka socda kulamo adag oo Trump ku raadinayo Xildhibaano taageera.
Eedaha kufsiga carruurta, gabdho iyo wiilalba, marka laga tago waxaa kale oo jira ammuuro kale oo cajiib ah oo loo fuliyey madaxa DP World ee Imaaraadka Carabta ayna kamidyihiin kabo leh GPS iyo qalabka wax duuba. Kabaha iyo agab kale ayaa la sheegay in DP World ay hadiyad ahaan u siiso ‘carruur’ iyo madaxda dalalka DP World xiriirka la leedahay si loo ogaado tallaabo kasta oo ay qaadaan iyo war kasta oo ay sheegaan. Imaaraadka iyo shirkadda DP World ayaa xiriir dhow la leh dhammaan madaxda Soomaalida, waana suurtagal in nin kasta oo Soomaali ah oo xiriir dhow la leh Imaaraadka ama DP World la siiyey hadiyado qaali ah, laakiin si joogto ah u basaasaya qofka la siiyey.
Imaaraadka kaliya kuma eka, iyo sida hore ay u faafisay Wikileaks, badi waddamada adduunka oo ay ugu horreeyaan Israal, Carabta Khaliijka iyo Turkiga ayaa hadiyadaha ay bixiyaan waxaa dhammaantood lagu sheegay kuwo basaasa qofka la siiyey iyo inta ka agdhow, meel kasta oo uu joogo – qolkiisa, suuliga illaa iyo xafiisyada shaqada.
Haddaba ma suurtagal baa in madaxda Soomaalida ayana laga hayo muuqaalo kuwaas lamid ah amaba ka daran?
Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee shaacinta faylasha Epstein iyo saameyntooda madaxda dunida, oo nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS