“Erdogan Lama Aamini Karo,” Waa Warka Bilahaan ugu Hadalhaynta Badan Adduunka

“Erdogan Lama Aamini Karo,” Waa Warka Bilahaan ugu Hadalhaynta Badan Adduunka

Tan iyo markii Turkey heshiis hoose la yeelatay argagixisada ISIS iyo hoggamiye Al-Golani oo Mareykanku duldhigay lacag dhan $10 milyan, markii danbena noqday Madaxweynaha Suuriya, magaciisuna u badalay Madaxweyne Axmed al-Sharaa, waxaa maalinba maalinta ka danbeysa isa soo taraya aamin-baxa laga aamin baxayo hoggaanka Erdogan, asaga oo lagu eedeeyey in uu khayaamay dhammaan saaxibadi oo Ruushka iyo Iran ugu horreeyeen, markii danbena dal walba u farta ku fiiqay Erdogan.

Talo-xumadii iyo khayaanadii Erdogan hadda waxay maraysaa Suuriya ammaankeedii oo faraha ka baxay, jabhado ka soo wada horjeeda argagixisada ISIS iyo Turkey oo meel kasta ka dillaacay, iyo Ruushkii iyo Iran oo uu rabay in uu meesha ka saaro oo weli ku xooggan Suuriya. Erdogan ayaa hadda labadii dal ka baryaya in ay wax kala qabtaan Suuriya, laakiin waxaa ka horreeya “horta ma lagu aamini karaa?”

Dhanka Soomaaliya, Ankara waxaa ka socda shir la rabo in Itoobiya loo oggolaado in badaha Soomaaliya meeshay rabto ka gaarto, say rabto u maamulato, uuna noqdo heshiis aan laga noqon karin.

Su’aasha maanta Soomaali u taal waa, Soomaaliya ma aaminaysaa ninkii Erdogan ee adduunku ka aamin baxay oo “badahaan idiin ilaalinayaa” ku badalay “badaha qayb Itoobiya ka siiya?”

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com