Erdogan oo Xabsiga Dhigay Hoggaanka Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul

Erdogan oo Xabsiga Dhigay Hoggaanka Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul

Maxay ka simanyihiin Erdogan iyo Xasan Shiikh?

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa nin Erdogan u arko ninka kaliya ee Turki maanta kula tartami kara jagada Madaxweynaha.

Ciidamada ammaanka ayaa weeraray guriga Imaamoglu ayaga oo ku eedeeyay musuqmaasuq, laakiin loo arko in xarrigiisu la xiriiro arrimo siyaasadeed iyo hoggaankiisa Istanbul oo aad loo qadariyo.

Erdogan ayaa lagu eedaynayaa in uu ku khasbay Jaamacadda Istanbul kala noqoshada shahaadada jaamacadda ee Imamoglu. Go’aankan ayaa loo arkaa mid Erdogan uga danleeyhay in Imamoglu oo ah ninka mucaaradka ugu caansan in uusan Erdgan kula tartamin xilka madaxtinimada 2027, sida ay sheegayaan warbaahinta iyo siyaasiyiinta Turkiga. Erdogan oo sharciyan aan mar saddexaad u tartami karin xilka Madaxweyne ayaa raba in uu badalo dastuurka si uu mar saddexaad Madaxweyne u noqdo.

Turkiga ayaa sidii Madaxweyne Xasan Shiikh talada dalka u qabtay badalay siyaasaddii hore ee dhexdhexaadka arrimaha Soomaaliya, si toosna ahna ula saftay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo xisbigiisa UPD oo ay heshiis kala saxiixdeen.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sida Erdogan rabo oo kale asagu badalay dastuurkii dalka, rabana in uu qabto doorasho aan la aqoon meel uu ka qabanayo, laakiin madaxweynuhu yiri waxay noqoneysaa “doorasho dimoqraadi ah oo Soomaaliya oo dhan laga qabto.” Labada Madaxweyne ayaa u muuqda in ay si wadajir ah midba midka kale kula ballamay xukun dheeraysi, wax walba oo ay qaadato.

Mareykanka ayaa walaac daran ka muujiyey xiriirka nooca cusub ee Turkiga iyo Soomaaliya, sida wararku sheegayaana hadda ku khasbay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu bannaanka dhigo Wasiirkiisa Difaaca oo hore loogu eedeeyey in uu yahay nin aad ugu dhow Turkiga, kana shaqeeya fulinta danaha Turkiga. La soco maqaalka soo socda ee Daljir oo faahfaahinaya arrinkaas iyo sababaha ka danbeeya.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com