Erdogan Qarka uu Suuriya ka Tuuray miyaa u Qorsheysan in uu Soomaaliyana ka Tuuro?

Erdogan Qarka uu Suuriya ka Tuuray miyaa u Qorsheysan in uu Soomaaliyana ka Tuuro?

Erdogan Qarka uu Suuriya ka Tuuray miyaa u Qorsheysan in uu Soomaaliyana ka Tuuro?

Haddii aad la socoto waxa Suuriya ka socda aad se tahay Soomaali waddani ah, waxaa kuu bannaan in aad ka welwesho qorshaha Erdogan ee Soomaaliya. Haddii aadan la socon se la yaab ma leh in shacabka Muslimiintu ay waligood u sacabtumaan kan wata qorshe lid ku ah dantooda, diintooda iyo waliba dadnimadooda, oo waxaa ku filan ayaga oo afka baarkiisa looga sheego walaaltinimo aan jirin oo aanan laguu hayn.

Erdogan waxa uu afka baarkiisa ka sheegay in uu garab iyo gaashaan u yahay shacabka Falastiin oo marnaba uusan oggolaan doonin in la laayo ama dhulkooda laga masuufuriyo. Marka uu kalmadahaas leeyahay maalin kasta Turkish Airlines waxay ka degtaa Talabiib iyo Ben Gurion. Maalin kasta waxa uu Is^raaiil u dhoofiyaa gantaalada taangiyada. Kabaha askarta Is^raa’iil waa Turki. Shidaalka diyaaradaha lagu duqeeyo Gaza wuxuu soo maraa Turkiga, kana yimaadaa Baku iyo Azarbiijaan. Laakiin Erdogan wuxuu maalin kasta kuu sheegaa sida uu u jelecyahay Falastiniyiinta iyo reer Gaza. Kee rumeysantahay, ma afkiisa mise ficilkiisa?

Waxaa kuu soo haray Suuriya. Annaga oo aan ku wareerin dhibaha ka dhacay Suuriya ee dhexmaray dadkeeda, aan u kuurgalno ficilada Erdogan ee Suuriya. Erdogan asagaa sheegtay in uu masuul ka yahay dawladda cusub ee la wareegtay Suuriya, laakin dawladda cusub asalkeedu muxuu ahaa maxay se ku waabariisataa subax walba?

Suuriya oo awal ahayd dawlad xoog leh oo iska difaacda cadowgeeda hadda waa dal aan maanta sinnaba u jirin oo Golan Heights wixii ka haray waa lagala wareegay. Mount Hermon warkeeda daa. Waa dal dowladiisu ay si bareer ah uga soo horjeedo shacabka reer Gaza. Waa dawlad raalli ka ah in Dimishiq 25 KM maanta ciidamada Is^raa’iil ay u jiraan, wixii saldhig ciidan ee xooggii la ogaa lahaana ay maanta ciidamada Is^raa’iil ka dhigeen wax hawada sare laga duqeeyey iyo wax inta loo yimid ayada oo la lugeynayo la wada miineeyey, ciidamadii dawladda Suuriyana ay daawadayaal ka yihiin. Erdogan iyo Turki baan ka hadlin, oo Madaxweyne al-Golani baa kalmad ka oran.

Laba saldhig oo Turkigu sheegay in ay ciidamadiisa cirku soo degayaan, waa T4 iyo Hama oo awal aysan diyaaradaha Is^raa’iil xataa haweysan jirin in ay dul maraan ama ay u soo dhawaadaan, maalin kabacdi sheegashadii Turkiga si fiican baa dhulkaa loola simay oo haddana loo raacshay farriin ah, “Waa farriin ku socota Erdogan in uusan saldhig Suuriya marnaba haweysan.”

Haddaba su’aashu waa, ma wax shaki ah baa kaaga jira qorshaha Erdogan ee Bariga Dhexe?

Su’aal kale ayaa haddana ah, haddii Soomaali ogtahay qorshaha Erdogan ee Soomaaliya in uusan waxba ka duweneyn kiisa Gaza iyo Suuriya, maxaa Soomaali u talo ah?

God aad ka bayri kartid haddii aad foolfool ugu dhacdo adaa is dilay ee cid kale ha eersan.

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com