Ergeyga arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka

Ergeyga arrimaha Gurmadka Abaaraha  ayaa bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey.

Ergayga, ayaa shalay ku baaqay in la fududeeyo, haddii ay jiraan caqabado dowladda dhexdeeda ah ama shirkadaha maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ku hor gudban deeqaha ka imaanaya dibadda.

Ergayga ayaa u mahad-celiyay, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XFS Marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye, oo hawshaas gacan ka gaysatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com