Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Agagaarka Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, ayaa saaka waxaa kadhacay qarax loo adeegsadey gaari nooca raaxada ah waxaana qaraxan la sheegay in uu dhaawac culus uu kasoo gaaray ruuxii watay gaariga qaraxa lagu soo xiray.

Wararki ugu dambeeyey ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu watey Cabdulqaadir cusmaan Faarax (Dr-Yare) oo tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, waxaana qaraxa kasoo gaaray dhaawac aad u culus.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu ka dhacay qaraxa, waxa ayna halkaasi ka qaadeen dhaawaca ninkan katirsanaa Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, waxaana dhaawac la geeyay Isbitaal lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com