Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay dhabarka dambe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Magaalada Muqdisho oo ku dhow Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Daljir u sheegeen in qaraxa miino uu haleeyay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,isla markaana uu jiro khasaaro kasoo gaaray qaraxa Ciidamada iyo dad Shacab ah.

Wararaka horudhac ah ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen laba askaro saddex kale oo dad Shacab ah kamid yihiin ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah isbitaallada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo u gurmaday Ciidamada qaraxa lala eegtay,waxaana ay joojiyeen isku socodka dadka iyo Gadiidka walow markii dambe ay fasaxeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com