Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ahna caasimadda maamulka dhowaan la yagleelay ee Waqooyi-Bari Soomaaliya. maanta waxaa ka dhacay doorasho xamaasad badan oo indhaha Soomaalidu wada hayeen, Doorashadan oo dad badan ka eegayeen dhinacyo kala duwan waxaa xiisaha siyaasadeed ee ugu weyn u yeelay. waxay ahayd tijaabada Awoodaha ku hardamaya tartanka doorasho ee hogaaminta maamulkan.
Maamulka hadda tallada haya ee uu horkacayo Hogaamiye Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye) oo garab buuxa ka haysta Madaxtooyadda Soomaaliya, waxay doorashada maanta u ahayd tijaabo adag oo uu marayey iyo muraayad uu ku fiirinayey Awoodiisa siyaasadeed ee deegaanka.
Mucaaradka Isbedel doonka ah oo halka aragti ee midaysaa tahay in la bedelo Hogaamiye Cabdulqaadir Firdhiye dhankooda waxay u ahayd tijaabinta awooda isbedel doonka.
Qorshihii Hogaamiye Firdhiye iyo Villa Soomaaliya.
Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya oo si weyn u danaynaysa dhismaha maamulka Waqooyi Bari iyo Natiijada Doorashooyinka heerarka kala duwan , waxay juhdi badan geliyeen in natiijadu u dhacdo sida ay u naqshadeeyeen.
Masuuliyiinta Dawlada Federalka ah ku metela deegaanadda Waqooyi Bari oo ku xeel dheer farsamada doorashooyinka noocan ah waxay dhigeen shax ay ku kala daadiyeen qorshayaashii isbedel doonayaasha oo u dhacday sidan hoose.
1. Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay u qorsheeyeen Dr. Aadan Cabdilaahi Xasan, qorshaha ugu weyn ee Hogaamiye Firdhiye iyo Dawlada Soomaaliya u taageereen Dr. Aadan waxay ahayd xoojinta saaxiib nimada Siyaasadeed ee Xamar iyo Laascaanood, maadaama Guddoomiye Dr. Aadan uu ku abtirsado beelaha Hawiye ee saamaynta weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, qorshahaasi wuxuu noqday mid sidii lagu talagalay u fuley.
2. Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ayay Huwan Siyaasadeedka Firdhiye iyo Villa Soomaaliya u qorsheeyeen in laga dhigo Gabadha kusoo baxday ee Amran Axmed Xasan, Amran waa gabadh dhalinyaro ah oo kasoo jeeda degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, waxay isku deegaan doorasho yihiin Musharax Jamaal Maxamed Xasan, sidoo kale na waa mid kamid caruurta ay dhashay Sanator Saynab Tiimbiye oo kamid ah xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Qorshaha Amran loo sharaxay ayaa ah in la wiiqo Fursadaha Siyaadeed ee Musharax Jamaal Maxamed Xasan, taasoo si buuxda u hirgashay.
3. Guddoomiye kuxigeenka 2aad waxaa ku guulaystey Cabdirisaaq Jaamac Warsame, Maamulka Taladda haya wuxuu ku dadaaley inaan lagula tartamin Kursigaas taasoo uu maamulku guul weyn ka gaarey, sababta Kursigan loogu xiray ayaa ah in beesha caalamka iyo Soomaalida kalaba la tuso sawir qurxoon oo muujinaya in hogaanka sare ee maamulka ay ka dhex muuqdaan beelaha Soomaaliyeed ee sida gardarada ah loo haybsooco, kuwaasoo mid kamid ah uu kasoo jeedo xildhibaankani.
Dhamaan qodobadaasi waxay u fulieen sidii ay u qorsheeyeen Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo Hogaamiye Firdhiye, natiijadu waxay rajo wanaagsan iyo guul taariikhi ah u tahay Hogaamiye Firdhiye iyo Xulufadiisa Siyaasadeed.
Laakiin waxay dharbaaxo siyaasadeed oo aan si fudud looga kaban Karin ku tahay isbedel doonayaasha aan abaabulkoodu wanaagsanayn ee u hanqal taagaya hogaanka sare ee maamulka Waqooyi Bari, dhawr arimood ayaa loo sababaynayaa nabaradda siyaasadeed ee maanta ku dhacay isbedel doonka kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen.
1. In dhismaha maamulka ay banaan joog ka ahaayeen oo aysan wax saamayn ah ku dhex lahayn dhamaan geeddi socodyadii lasoo maray, qaarkood waxay diidanaayeen nidaamkii geeddi socodka, qaarkood waxay isku dayeen inay is hortaagaan, qaarna daawadayaal sugaya in xulufooyin kale wax usoo bisleeyeen ayay ahaayeen.
2. Qodobka labaad ee ugu weyn oo mucaaradka loogu awood sheegtay maanta, waxay ahayd midnimo la’aanta mucaaradka dhexdiisa ah, waa musharaxiin bulshadu u qaybisay heer ka 1aad iyo heerka 2aad oo magacyadaas loo kala siiyey sida ay u kala magac weyn yihiin iyo sida ay u kala hayn (Dhaqaale) roon yihiin marka la raaco tuhunka iyo aragtida bulshadu ka qabto, inkastoo ay shirar badan yeesheen, waxa keliya ee aragti midaysan ah oo ay leeyihiin waa in Hogaamiye Firdhiye la bedelo, laakiin majirto farsamo, talo iyo cudud midaysan oo arintaasi ay ku wajaheen, nin walbana wuxuu gaarkiisa u gadayaa inuu yahay musharaxa bedelaya Firdhiye.
3. Qodobka saddexaad oo aadka u culus ayaa ah Xulufo la’aan siyaasadeed oo ku dhacday Musharaxiinta hormuudka u ah mucaaradka, majiro hal musharax oo garab siyaasadeed ka helay banaanka Waqooyi Bari, sida Hogaamiye Firdhiye garabka buuxa uga helay Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, Musharaxiinta qaar oo lagu xamanayey inay garab ka heli doonaan Puntland waxay waayeen taageeradii Puntland, maadaama Puntland go’aansatay inaysan taageerin musharax u tartamaya maamul lagu daray qaybo kamid ah dhulkeeda, taaso bedelkeedana Puntland fursad siyaasadeed u aragtay soo laabashada Hogaamiye Firdhiye (Faaallo gaar ah baan ka qori doonaa sababta Puntland u door bidayso soo laabashada Firdhiye).
Dhinac kasta oo laga istaago Doorashadda maanta ee Shir gudoonka golaha Wakiiladda Waqooyi Bari waxay noqotay natiijadda qorshayaal mudo socdey oo ay ku guulaysteen Xulufadii soo abaabushey ee Hogaamiye Firdhiye iyo Dawlada Federalka ah, waxayna sawir ka bixinaysaa natiijadda Doorashada Madaxtooyadda oo qorshaha Xulufadda maanta guulaystey yahay in ay kusoo baxaan Hogaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo noqon doona Madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamulka Waqooyi Bari iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) oo noqonaya Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi, qorshahaasi waa mid ay adag tahay in isbedel ku yimaado una dhici kara maalmaha soo socda sida loo qorsheeyey.
Daljir Media


COMMENTS