Facebook, Whatsapp Iyo Instagram oo Saacado Kadib Dib u Soo Laabtay

Facebook, Whatsapp Iyo Instagram oo Saacado Kadib Dib u Soo Laabtay

Adeegyada bulshada ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib u soo laabatay kadib markii uu maqnaa muddo ku dhow lix saacadood.

Dhammaan saddexda adeeg waxaa iska leh Facebook oo waxaa la awoodi waayay saacadaha uu xayirnaa in la geli waayo.

Markii ugu dambeysay ee Facebook ay cillad oo kale ku timaado ayaa ahayd sanadkii 2019kii.
Wax yar ka dib markii uu go’itaanku bilaabmay, Facebook ayaa qiratay in adeegsadayaashu ay dhib ku qabaan helitaanka barnaamijyadeeda laakiin ma bixin wax cayiman oo ku saabsan nooca dhibaatada ama ma sheegin inta isticmaale ee ay saameysay go’itaanku.

Soomaali badan oo adeegyada caawa cilladu gashay adeegsan jirey ayaa aad uga xumaaday iyadoo markii hawada ay dib ugu soo laabteen Facebook iyo Whattsupka la arkayay in dadka ay saameysay cillada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com