Trump ayaa saacado kahor bartiisa soo dhigay muuqaal diyaarad Mareykan oo duqeysay shacab Yamaniyiin ah oo ku shiraya meel bannaan. Sida dhaqanku Yamaniyiintu yahay isu soo baxa qabiilada ayaa lagu kulmaa si wareeg ah, dadkuna ku hareereysanyihiin qofka hadlaya.
Trump ayaa soo dhigay muuqaal ku tusaya dadkii oo shiraya, waxyar kabacdina carradii oo basbeeshay iyo dadkii oo la laayey, kabacdina wuxuu muuqaalka soo raacshay qoraal jeesjees ah oo haddana kibir wata, waxa uuna soo qoray, “Xuutiyiintaan kulankoodu wuxuu daaranyahay xogwarran weerar. Iska illoow, Xuutiyiintu weerar ma qaadi doonaan! Waligood u suurtagalimayso in ay maraakiibteena burburiyaan oo dib danbe badda ugu daraan!”
Hadalka Trump ee uu ku leeyahay “dib danbe badda ugu daraan” ayaa loo fasirtay in Yamaniyiintu ay badda ku dareen markab ama labo maraakiibta dagaalka ee Mareykanka, laakiin la qarinayo, shacabka la duqeeyeyna ay muujineyso xanaaqa Trump iyo khasaaraha gaaray ee la qarinayo.
Sharciyaqaano ayaa qoraalka Trump ku tilmaamay qirasho fal dambiyeed lagu maxkamadeyn karo. Laakiin sida reer Galbeedka looga bartay waayahaan, sharciga iyo xuquuqda aadanuhu macno weyn uma laha. Qofkii aan hore intaas u fahamsaneyna waxaa fahamsiiyey waxa hal sano ka badan illaa saaka ka socda Gaza oo dhammaan reer Galbeedku raalli ka wada yihiin.
Adduunkii waa isbadalay, saas oo ay tahay dadka Soomaaliyeed iyo hoggaankooduba waxay weli u dhaqmayaan sidii in aan wax isbaddal ahi weli adduunka ka dhicin oo kale. Soomaalidu ma baraarugi doonaan mise waxay noqon doontaa “Lax waliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa!”
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
COMMENTS