Falaanqeeyayaasha Siyaasadda & Dhaxalka Wasiir TikTok Soomaali uga Tagay

Falaanqeeyayaasha Siyaasadda & Dhaxalka Wasiir TikTok Soomaali uga Tagay

Falaanqeeyayaasha Siyaasadda & Dhaxalka Wasiir TikTok Soomaali uga Tagay

Falaanqeeye Rashid Cabdi oo falaanqaynaya waxa ay Soomaaliya ka dhaxashay Wasiir TikTok ayaa qormada hoose qoray:

“Jaamac ‘TikToker’ wuxuu ahaa wasiirkii ugu aqoon darnaa, ugu dhaqan iyo anshax xumaa wasiirada Soomaaliya, waana wasiirka kaliya oo soo daabcaday rikoor uusan lahayn oo ah “guulo” asaga gaar u ah.

Hagaag, haddii aan u caddaalad falno wasiir Jaamac waxa kaliya ee uu miiska soo saaray oo uu isku iibin jiray waxa ay ahayd in uu ku hadlo af-Turki jajaban, oo faa’iidadiisu ahayd in uu Turkiga dhinac u leexsado. Wixii kale oo intaas ka baxsan wuxuu ahaa nin aad u hooseeya dhan kasta, dhaqan ahaana in uu wax burburiyo ma aha e aan dheef lahayn.

> Wuxuu hagay guuldarrooyinkii khasaaraha badnaa ee Ciidamada XDS ka soo gaaray masraxyo badan

> Wuxuu burburiyey ciidankii iyo xirfad-yaqaanimadii ciidan

> Wuxuu abuuray qayb dhan oo si gooni ah asaga u hoostimaada, wuxuuna musuqmaasuq ku dhex abuuray saraakiishii ciidamada

> Wuxuu ahaa Mudane Lamataabtaan. Wax kale iska daa e xataa Turkigu waxay isku dayeen, soo faragaliyeen oo cadaadis ku saareen Villa Somalia inuu booskiisa sii joogo.”

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com