Farmaajo: “Howlaha doorashooyinka & Amniga waxaan ku wareejiyay laga bilaabo maanta Ra’iisul Wasaare Rooble” (daawo)

Farmaajo: “Howlaha doorashooyinka & Amniga waxaan ku wareejiyay laga bilaabo maanta  Ra’iisul Wasaare Rooble” (daawo)

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta khudbad u jeediyay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa uu sheegay in howlaha doorashooyinka iyo Amniga uu uga dambeyn doono Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon, waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021, Waxaan faraya Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baxada weyn ee hortala” ayuu yiri Mdaxweyne Farmaajo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com