Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la kulmay maamulka iyo waxgaradka deegaanka. Madaxweynaha ayaa dhegeystay tabashooyin iyo talooyinkii ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka, culumada, haweenka iyo dhallinyarada degmada Afgooye. Madaxweynaha ayaa u ballanqaaday in ay dowladdu si degdeg ah wax uga qabaneyso tabashooyinkooda.
Safarka Madaxweynaha ee degamada Afgooye waxaa ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Hoos ka dhegayso
COMMENTS
Wan so dhawayn in FARMAAJO
soo afjaro caadooyinkii xumaa ay keentay burburki
somaliya
Tnx daljir uheelanaha bulshada