FARMAAJO oo codsatay in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM

FARMAAJO oo codsatay in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM

Dowlada Soomalaiya oo uu hogaaminayo madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo Maxamed Cadilaahi Farmaajo ayaa codsatay imn waqti kordhin loo sameyo ciidamada Amisom.

Cabdi Saciid Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay kulan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya.

Cabdi Saciid waxa uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dhismaha ciidanka Qaranka iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab si looga saaro guud ahaan dalka.

Wuxuu uga mahad celiyay kaalinta beesha caalamka ee dhismaha ciidanka iyo doorka Howlgalka AMISOM ee la dagaallanka Al-Shabaab oo weli ku sugan meelo kamid ah dalka.

Qorshaha la wareegidda ciidanka Qaranka ee Amniga dalka mar uu soo hadal qaaday wuxuu sheegay in qorshahani yahay mid Soomaalidu leedahay, iyadana hogaaminayso wuxuu Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya uga mahadceliyay sida ay u taageerayaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo beesha caalamka ayuu tilmaamay in looga baahan yahay in ay iskaashaadaan si loo xaqiijiyo hadafka dhismaha ciidan Qaran oo awood u yeesha in dalka amnigiisa ka wareegaan dhammaadka 2023.

Cabdi Saciid Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa intaa ku daray in ay muhiim tahay kordhinta waqtiga Howlgalka AMISOM si ay qeyb ugu noqdaan qorshaha bilaabanaya 2022 ee ciidanka Qaranka Soomaaliya ay kula wareegayaan amaanka dalka.

Ugu dambeyn beesha caalamka ayuu ka codsaday sii wadidda iyo xoojinta taageerada ay siiyaaan Soomaaliya si ay cagaheeda ugu istaagto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com