Farriinta Barakacayaasha Tuli Guuleed & xaaladda nolol xumo ee ay ku suganyihiin (dhegayso)

Farriinta Barakacayaasha Tuli Guuleed & xaaladda nolol xumo ee ay ku suganyihiin (dhegayso)

Mustaf waa barakace ka soo barakacay Tuli Guuleed. Waxa uu kamidyahay boqollaal kun oo Soomaaliyeed oo dhulkoodii iyo beerahoodii ay maleeshiyaadka Oramadu ka soo barakiciyeen, kalana wareegeen hanti iyo maal wixii ay lahaayeen.

Mustaf oo Radio Daljir u warramaya maanta waa barakace la hadlaya dadkiisa iyo dowladdiisa.

Tuli  Guuleed waa magaalo beeraley ah, kana mid ah magalooyinka ugu waxsoosaarka badan DDS, badanaa qabalaha ay ka koobneyd waxaa la wareegay Oromada, dadkiina ka barakiciyey, waxa ayna magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ee Jigjiga u jirta 30 KM, dhanka galbeedkana waxaa ka xiga Jinacsani.

Magaalada Jinacsani oo hore u ahayd deegaan Soomaalida ayaa kal hore Oramadu kala wareegeen Soomaalida.

Weerarada joogtada ah iyo barakcinta Oramadu ku hayso Soomaalida Dowlad Deegaanka, siiba dhanka Tuli Guuleed, ayaa dadka deegaanku rumeysanyihiin in ay daarantahay damaca ah isku xirka Jinacsani, oo hore Soomaalida loogala wareegay, iyo Boorama, Awdal, si loo gaaro xeebta Saylac. Jinacsani iyo Boorama waxaa u dhexeeya degmada Tuli iyo Degmada Awbarre.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com