Macron iyo Starmer maalmo kahor faramarnaan bay Trump kala soo laabteen deedna shir degdeg ah oo NATO oo Mareykan ka maqanyahay baa London la isugu yimid. Sidaan hore u baahinay shirku waxa uu ku dhammaaday hadal badan iyo hawl yar iyo Yurub oo taag iyo tabar la’ laakiin weli dagaal ku goodineysa.
Saas oo xaal yahay, sida laga soo xiganayo waraysi uu Marcon siiyey Wargeyska Le Figaro, Macron shirka London wax badan oo dahsoon baa ugu hoos duugan. Macron waxa uu Le Figaro u sheegay, “Mareykanka iyo Ruushku xabbad-joojin heshiis ah keeni mayaan, sidaas darteed waxaan miiska soo saareynaa xabbad-joojin kooban in Ukraine iyo Ruushku wada qaataan, taas oo ah in muddo bil ah la joojiyo duqeynta cirka, tan badda, iyo waliba duqeymaha warshadaha tamarta dhaliya.”
Wuxuu intaas raacshay, “Markii intaas la helo waxaa loo gudbayaa wajiga labaad kaas oo ah xabbad-joojin rasmi iyo ciidamada Yurub oo markaas Ukraine soogala, deedna ay Trump iyo Putin fool-ka-fool isku arkaan.”
Macron ayaa isku deyaya in ciidamada Faransiiska iyo Ingiriisku si xeeladeysan ku soo galaan Ukraine, deedna uu u habarwacdo Mareykanka si aan Ruushku u duqeyn.
Laakiin Macron xeeladdiisa mar hore baa Putin fahmay, waxa uuna si cad u sheegay, ma jiri doonto wax la yiraahdo xabbad-joojin; wixii ciidan ah, nooca ay rabaan ha noqdeen e, oo Ukraine soo galana waxba noogama duwana kuwa Ukraine, waana burburineynaa meel kasta oo Ukraine kamid ah oo ay isku soo urursadaan.
Sidoo kale, Trump ayaa isna hore u sheegay in uusan marnaba ciidan Mareykan geyneyn Ukraine, laakiin Yurub hadday rabto waa hawl ayaga u taal, mana aha hawl NATO qayb ka noqon doonto haddii Yurub ay wax ciidan ah gayso Ukraine.
Mar kale Macron iyo Yurub waxaa haysta laba kala daran mid dooro: Ruushka isku dhiiba oo Ukraine iyo Midowga Yurub ha la waayo, ama Mareykanka isku dhiib oo Midowga Yurub, Ukraine iyo NATO-ba ha la wada waayo.
> Daljir Media
COMMENTS