France: Nin hal qof ku dilay labo kale ku dhaawacay

France: Nin hal qof ku dilay labo kale ku dhaawacay

Boliiska dalka France ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen nin mindi ku weeraray dad ku sugnaa barxad ku taalay magaalada Paris.

Ninka ayaa weerarka ku dilay hal qof, isla markaana ku dhaawac labo qof oo kale, weerarkaasi oo ka dhacay magaalada lagu magacaabo Villejuif, oo 8km (5 miles) dhimaca Koofur ka xigta magaalada Paris.

Ilaa iyo hadda lama oga u jeedka ninkaasi uu u waraaray dadkaasi ku caweenayey barxadda, iyadoona weerarka uu dhacay shalay gelinkii dambe.

Goobta uu ka dhacay weerarka ayaa waxaa soo gaaray ciidamo farabadan iyo gaadiidka nooca gurmadka deg-deg ah si dhaawacyado loo geeyo xarumaha caafimaadka.

Laurent Nunez oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha France ayaa goobta tagay, waxa uuna sheegay in haddi aan la toogan lahayn qofka weerarka soo qaaday uu dhibaato badan u geysan lahaa dad aan waxba galabsan.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com